DAAD Scholarship – Germany
Guudmar:
DAAD (Deutscher Akademischer Austauschdienst) waa barnaamijka rasmiga ah ee deeqaha waxbarasho ee dowladda Jarmalka, kaas oo lagu taageero ardayda caalamka ee doonaya inay ku bartaan Master’s ama PhD jaamacadaha Jarmalka. DAAD waa mid ka mid ah deeqaha ugu waaweyn adduunka, waxaana diiradda lagu saaraa horumarinta xirfadaha, cilmi-baarista, iyo hoggaanka bulshada.
Faa’iidooyinka:
DAAD waa deeq fully funded ah — taas macnaheedu waa in arday kasta uu helo taageero buuxda. Waxaa daboolan:
-
Kharashka waxbarashada oo dhan (tuition-free, maadaama jaamacadaha Jarmal badankood ay lacag la’aan yihiin).
-
Lacag nololeed bil kasta (waxay u dhaxaysaa €850 – €1,200).
-
Caymis caafimaad oo dhamaystiran.
-
Tigidh safar ah oo lagu tago lana soo laabto.
-
Tababar luqadda Jarmalka ah (German Language Course) ka hor barashada.
Shuruudaha Codsiga:
-
Waa inuu haystaa Bachelor degree leh heer wanaagsan.
-
Waa inuu leeyahay waayo-aragnimo shaqo (ugu yaraan laba sano).
-
Waa inuu muujiyo sababta uu u rabbo inuu ku barto Jarmalka iyo sida uu bulshada ugu faa’iidin doono.
-
Qof kasta oo ka socda dal kasta waa codsan karaa, gaar ahaan Afrika, Asia, iyo Latin America.
Waxbarashada iyo Fursadaha:
DAAD waxay bixisaa boqolaal barnaamijyo: Engineering, Development Studies, Health, Education, Environment, iyo Governance. Ardayda waxay ku bartaan jaamacado caan ah sida Technical University of Munich, Heidelberg University, iyo RWTH Aachen.
Maxay uga dhigantahay ardayda?
Barnaamijkan wuxuu ardayda siinayaa fursad ay ku helaan waxbarasho tayo leh, isla markaana ku shaqeeyaan xarumo cilmi-baaris casri ah. Ardayda DAAD waxay noqdaan cilmi-baarayaal, injineerro, ama madax dawladeed mustaqbalka.
Gunaanad:
DAAD waa fursad nolosha beddesha — waxaad baranaysaa cilmiga ugu sareeya adigoo helaya taageero buuxda iyo nolol ammaan ah Jarmalka.
Link rasmi ah:
www.daad.de

.png)